Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Guna gado ee gobolka Jarar ayaa waxay sheegayaan in kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah ciidamada gumaysiga Itoobiya Askari kamid ahi uu gabadh yar oo aan qaan gaadhin ku kufsaday magaalada Guna Gado.

Gabadhan uu kufsaday Askariga hawaarinta ee kamida ciidanka dad cunka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa magaceeda naloogu sheegay Bishaaro Sheekh Bashiir  Sheekh Axmednuur.

Wararka ayaa intaas ku daraya Macalin la yidhaahdo macalin xuseen Cabdi Qodax Cismaan oo kufsiga gabadha ka dhiidhiyay in xabsiga loo taxaabay oo uu hada xidhan yahay halka labada waalid ee gabadha dhalay ay xabsi guri yihiin aynana ka bixi karin guriga loona hanjabay ayadoo lagu dhahay ma sheegi kartaan kufsiga gabadha.

Sideedii bishan lixaad oo ku beegnayd habeenkii jimcaha ee inaga tagay ayay magaalada Gunagado ee gobolka Jarar ka dhacday arin argagax leh waxaana xabsi guri ku jira waalidkii gabadha ilaa iyo hada Ciidanka Itoobiya ee hawaarinta ayaa reerkii gabadha dhalay sidoo kale u diiday inay u qaadaan wax dhakhtar ah waxayna wali ayadoo miyir daboolan taala xaafadooda.

Bishaaro ayaa xaaladeeda cafimaad aad looga dayrin hayaa Maadama aan ilaa iyo hada wax dhakhtar ah lagaynin dawaana lasiinin, ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa dhaqan uleh kufsiga dilka iyo dhaca Ka dhanka ah shacabka soomaalida ogaadeniya.

Waxaa ka jirta magaalada Guna-Gado xisad , xisadaas oo dhalin karto in ay shacabku gadoodaan.

Kufsiga gabadhaha yaa kamid ah nolol maalmeedka sida joogtada ah uga dhaca guud ahaanba wadanka Ogadeniya ee gacanta gumaysiga Itoobiya kujira.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.