Madaxweynaha Maraykanka Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa wada saxiixdey heshiis kadib shir ay kuwada yeesheen dalka Singpore.

Heshiiska ay gaadheen labadan masuul, sida laga soo xigtay Trump, ayaa caddaynaya mid dhamaystiran waxana ay bilaabi doontaa hannaanka hub-ka-dhigista ee Nukliyeerka. Labada qodob ee heshiiska ugu muhimsan ayaa ah:

1. Maraykanka iyo DFK waxay gudagalayaan in la dhiso xidhiidhkooda cusub si waafaqsan rabitaanka dadka labada dal, nabad iyo barwaaqo.

2. Maraykanka iyo DFK waxay ka midoobayaan dadaalka ay u abuuraan nidaam nabad waarta oo ka hirgasha Gacanka Kuuriyada.

Heshiiska labada dhinac ayaa ah is afgarad, waxaana uu u gogol xaarayaa wada hadal dheer oo labada dal wada galaan, kaas oo saameyn ku leh gacanka Kuuiryada. Trump oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu Kim Jong-Un ku casumo Aqalka Cad ee Maraykanka.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ee Maraykanka ayaa sheegaya in ay tahay taariikh cusub oo qorontey laakiin ay khatar badan huwan tahay, isla markaana aan la garan karin waxa ka dhab ah Kim Jong-Un. Kuuriyada Waqooyi ayaa caalamka intiisa kale go’doon kaga jirtey waxaana saaran cunno qabetyn aad u xooggan kadib markii dalkaasi yeeshey hanaanka nukliyeerka, isla markaana ay tijabiyeen gantaalo culus oo ay kamid yihiin kuwa balaastikada iyo kuwa xanbaara Nukliyeer.a-

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.