Wararka naga soo gaadhaya magaalada Diri-Dhabo ee Galbeedka Ogaadeniya ayaa sheegaya in maalintii Talaadada ahayd Taariikhduna kubeegnayd 12/06/18 guryaha lagu weeraray dhalinyaro shacab ah ugu dambayna laxidhay dhalinyaro badan oo kamida dhalinyaradii magaalada kana mid ahaa dhalinyaradii kacdoonada kawaday magaalada ee ka gadooday xumaanta Gumaysiga.

Hadaba waxaa nasoo gaadhin qaar kamida Dhalinyarada magacyadooda oo aanan helin iyagoo dhamaystiran waxaana kamid ah  Abdi badacas, Ilyaas iyo wali oo magaciisa oo dhamaystiran aan nasoo gaadhin.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii ay maayirka magaalada oo lagu magacaabo Ibrahim Cisman iyo xoghayaha xafiiskiisa Xassan Dahahir shir ay uqabteen dhalinyarada iyo waxgaradka magaalada ay kushegeen in ay hawlahooda si nabad galiyo ah uwataan cidnana aan waxyeelo loogaysan doonin waxayse midaasi umuuqataa mid beenowday .

Ugu dambayntii dhaliyarada magaalada Diri-Dhabo oo kacadhootay arinkan ayaa baaq ay soo sareen kusheegay in ay qaban qaabinayaan banaan baxyo balaadhan oo lagu beegsan doono cidkasta oo kulug leh arintan iyo xarumaha dawlada ayaga oo wacad kumaray inaysan marnaba joojin doonin dibad baxayda ay wadaan ilaa ay kagaadhaan yoolka ay leeyihiin.

Wararkan iyo wixii kasoo kordha waan idinla wadaagi doonnaaa Inshaa Allah ee hamoogaanin ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay