Horjoogaha Maamulka Oromada ee lagu magacaabo Lemma Megersa ayaa kudhawaaqay in shaqada laga caydhiyay 1500 oo qof oo qabanayay shaqooyinka kala duwan ee Gumaysiga Itoobiya.

Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa kashaqaynayay xafiisyada kala duwan ee Gumaysigu kuleeyahay dhulka Oromada waxaana lagu eedeyay in ay gacan kagaysteen dhibaatooyin lagula kacay dad shacab ah mudadii ay socdeen dibad baxyadii baaxada badnaa ee khalkhalka Ku abuuray Itoobiya ilaa hadana dami la.

Arintan oo salka Ku haysa waxa ay ugu yeedhaan isbadalka siyaasada Itoobiya oo uu wado Abiye Ahmed ayaad moodaa in uu saamayn buuxda kuuyeelanayo maamulada kililada ayada oo ay wali halkoodii kasii socdaan dibadbaxyadii lagaga soo horjeeda Gumaysiga .

Lemma Megersa ayaa sidoo kale carrabka kudhuftay in lasii wadi doono ladagaalanka dulmiga dad badan oo lagu tuhmayo dambiyo ay galeena laga qaadi doono xilalka ay hayaan Laguna qaadi doono sharciga.

Jahawareerka siyaasadeed ee kajira guud ahaan Itoobiya ayaa noqday mid loo la,yahay wax xal ah waxaana wali halkoodii kasii socda dibad baxyo iyo waliba isku dhacyo dhanka qoomiyadaha ah .

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.