Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana Xarunta Dhexe Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeenya ayaa waxay sheegayaan in qaar badan oo kamid ah kooxda Gumaysigu ku adeegto ee loo yaqaano Hawaarinta ay isku dileen meelo badan oo kamid ah Ogaadeeniya waxaana kamid ah meelaha ay isku laayeen kooxdani Tuulada Daarusalaam oo ka tirsan Gobolka Qoraxay.

Waxaa isla tuulada Daarusalaam Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ku kufsadeen Laba Gabdhood waxayna ku xidhnaayeen xerada kooxda Hawaarintu ay ku leedahay tuulada Daarusalaam shalay ayay ahayd markii magaalada Guna gado ay isla kooxda hawaarintu ku kufsadeen gabadh 14 jir ah.

Dhanka kale kooxda TPLF ayaa aad uga xanaaqday go’aankii Abiye Ahmed uu ku gaadhay inuu wareejiyo magaalada Badame waxayna kaga jiraan shirar arintaasi ku aadan macada waxa kasoo bixi doona shirarkan isdaba jooga ah ee ay maalmahan ku jireen waxaase ka socda mudaaharaadyo arintaas looga soo horjeedo Gobolka Tigray.

Sidoo kale wararka magaalada Jigjiga ka imaanaya ayaa sheegaya in kooxda gabalkeedu dhacay ee fadhigeedu yahay Jigjiga ay gabi ahaanba qaadaceen in maalinta ciida ah aysan bulshadu isu soo bixi doonin waxaana tukan doona sida la sheegay kooxaha shaqaalaha maamulka oo kaliya.

Kooxda TPLF ee wakhtigooda dhamaaday ayaa waxay aad u dhaliishan yihiin siyaasada guud ee Abiye Ahmed dalka ku maamulayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay