Intaanan is waydiinin su aasha ah sida loo gaadhayo guusha waa inaan horta is waydiinaa maxaa guul ah ? ama goormaan odhan karaa qofka bani aadamka ahi wuu guulaystay ama guul dhab ah ayuu gaadhay ?

Tusaale : Bani aadamku si guul ama guul daro usheego waa inuu hadaf (target) calaamadiyaa, hadafka markaa uu xadido ee uu calaamadiyo ayuu isweydiinayaa ma gaadhey mise ma aadan gaadhin, haduu gaadhana waxa uu oranayaa waa guuleysatay, hadii uu gaadhi waayana waxa uu odhanayaa waan guul daraystay, sida dadka oradada ah ama tartamaayasha orodka meel baa maro yar loogu xiraa ama xariiq loogu jeexaa dabadeetana waxaa la yiraahdaa soo baratama ama soo tartama , kan ugu horeeya ee xadhiga gaadha ayaa gacmaha cirka utaaga oo yidhaahda waan guulaystay sababtoo ah hadafku waa in xariiqdaa la gaadhaa oo intaan kula ordaysa aad ka dheeraysid oo aad ka horgaadhid xariiqda hadiise aan xariiqi jirin waa hadaf meel loo ordayaa jirin , ninba meeshuu doono hadii uu u cararo keebaa guuleystay, hadii nimanka baratamaya qofba meel ucararo guul iyo guul daro toona sheegi meyno oo ma oraneyno hebal baa guuleystay sababta oo ah waa hadaf aan xadidneen.

Nolosha bani’aadamku markaa waxay leedahay ahdaaf koo kooban oo yar yar iyo hadaf weyn oo ah kan xaqiiqiga ah Tusaale: ardayga school ka marka uu sanad dhiganaayo ee uu wax soo aqriyo aadna udiyaar garoobo imtixaankana uu galo ee uu imtixaanka ku baaso waxa uu oranayaa waan guuleystay, wa’ayo hadafkii koowaad ee ahaa inaad sanadkaan dhameyso waad dhameysay, markaad saddex sano ama afar sano aad dhameeyso waad guuleysatay wa’ayo waraaq yar oo magacaaga ku qoran yahay iyo inaad dugsi sare dhameysay ayaa lagu siinayaa, markaad jaamacada dhameysana waan guuleystay baad leedahay oo koofiyado yar yar iyo maryo yar yar inta laguu xidho ayaa lagu odhanayaa waa calaamadii guusha dabadeetana waraaq ayaa lagu siinayaa , hadaba noloshu goorma ayuu qofka bani’aadamku odhan karaa waan guulaystay ?

Noloshu waa wax kooban ninka dhalinyari ahi sheeda suke ayuu arkaa wa’ayo wuxuu tiriyaa inta uu jiray laakiin qofka markuu da’ gaadho wuxuu iswaydiiyaa war toloow maxaa ka hadhay, xaqiiqada bani’aadamku uu wadaago ee uu wada rumaysan yahay waa geeri , intaad doonto nooloow waxaad doonto soo cun waxaad doonto soo qabo waad geeriyoonaysaa sidaa darteed xariiqda ugu danbeysa ee la gaadhayaa inta dunida la joogo waa geeri, intii kaa horaysayna waa geeriyootay inta hada joogtana way geeriyoon doonaan, marka la geeriyoodo xabaal yar baa la isku wada ridaa hadaad xoolo badan shaqaysatay oo billionaire ahayd labo maroo yar yar inta laguugu duubo ayaa xabaasha laguugu ridi, hadaad faqiir ahayd oo aadan waxba haysanina labadaa marood uun baa laguugu duubi xabaashana laguugu ridi, hadaad magac iyo maamuus lahayd oo madax iyo wax soo noqotayna maradaa uunbaa laguugu duubi halkaa unbaana laguugu ridayaa, hadad nin iska xamaasho oo suuqiisa iska jooga ahayd labada marood uunbaa laguugu duubi, markaa dadkii waaba isku wada nooc oo wixiiba maradaa yar ee la isku duuduubaayo ayuunbuu ku dhamaanayaa, hadaba kee guulaystay markaa ?

Noloshu waa inay hadaf leedahay wa inay qasdi leedahay markaasaynu garan karnaa yaa guulaystay iyo yaa guul daraystay.

Lasocda qaybaha kale ee qormada guusha ku saabsan.

By Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.