Ciidamada Sacuudi iyo Imaaraadka ayaa weerar ku billaabay dekedda muhiimka ah ee Xudeyda, ka dib markii jabhadaha Xuutiyiinta ah ay iska dhago tireen wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay si ay uga baxaan, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidammada Yemeniyiinta ah oo taageero ka helaya xulafada uu Sacuudigu hoggaaminayo ayaa hawlgalka billaabay xilli hore oo saaka ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Al-Carabiya. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay in masiibo banii’aadan ay dhacdo haddii magaaladaas la weeraro, waxayna sheegeen in ay dhibaato soo gaadhi karto rubac milyan ruux.

Dekeddaas ayaa ah goobta ugu wayn ee ay ku xidhaan maraakiibta iyo doomaha wada gargaarka Yemen. In kabdan toddobo milyan oo ku nool dalkaas uu dagaalku ka taagan yahay ayaa ku tirsan cuntada gargaarka ah.

Dawladda Imaaraadka oo qayb ka ah xulafada ayaa jabhadaha horay ugu qabtay wakhti kama dambays ah si ay uga baxaan ama wajihi doonaan dagaal. Anwar Gargash oo ah Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa saxaafada u sheegay in xulafada uu ka dhammaaday dulqaadkii dublamaasi ka dib markii 48 saac ee u dambeeyay ee loo qabtay ay iska dhago tireen Xuutiyiintu.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.