Kulan dhawr maal mood usocday kadib kooxda TPLF ayaa waxay soo saartay bayaan ay ku dal banayso inay kulan dag daga isugu yimaadaan waxa loogu yeedho EPRDF.

Kooxda TPLF oo 27 kii sano ee ugu danbeeyay kusoo amar ku taag layn haysay xukunka gumaysiga Itoobiya ayaa aad uga biyo diidsan talaabooyin Raisal wasaaraha gumaysiga Abiye Ahmed uu dhawaan qaaday waxayna aad uga soo horjeedaan talabadii ahayd in magaalada Badame lagu wareejin doono wadanka Eritrea.

Mudaaharaado balaadhan oo isla arintan lagaga soo horjeedo ayaa waxay ka socdaan dhulka tigrayga waxaana lagu tilmaamay go’aanka raysal wasaaraha mid waxba kama jiraan ah.

Khilaaafkan iyo hardanka u dhaxeeya kooxaha ku loolamaya xukunka dalka ayaa aad isu soo taray waxaana bilahan soo socda kala cadaan doona cida kasii talin doonta xukunka gumaysiga Itoobiya, waxaan sugnaaba waa gumaysiga Itoobiya oo lagu kala bixi doono bilahan soo socda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.