Maalintii 4aad ayuu galay dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaaminayo ku doonayaan in ay maleeshiyada Xuutiyiinta uga qabsadaan magaalada Xudeyda ee dalka Yemen.

Isbaheysiga Carbeed ayaa doonaya in ay Xuutiyiinta ka go,doomiyaan dekedda kaliyah ee ay adeegsadaan oo ah dekedda magaalada Hudeyda.

Hey’adda Human Rights Watch (HRW), ayaa ugu baaqday Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (QM) in ay cunaqabateyn saaraan dhamaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka, haddii ay isku dayaan in ay is-hortaagaan gargaarka bani,aadannimo ee loo wado dadka rayidka ah.

Sarah Leah Whitson, oo ka tirsan HRW ayaa sheegtay in Ciidanka Xulafada iyo kuwa dagaalyahannada Xuutiga ay labaduba sameeyeen xadgudubyo dhinaca dagaalka ah.

Khamiistii, Golaha Amaanka ee QM ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Yemen in ay u furaan albaabada, shaqaalaha Hey’adaha Caalamiga ah ee raba in ay caawiyaan dadka magaalada Xudeyda oo lagu sheegay in ay gaarayaan 600 oo kun oo ruux.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay