Isku dhac udhexeeya Labada qowmiyadood ee Sidama iyo Walayta oo mudooyinkii dambe ka socday magaalada hawasa ayaa kufiday deegaanada kale ee ay wada dagaan labadan qowmiyadood waxaana lagu soo waramayaa in ay markale gacmaha isula tageen iyadoo ay qolaba qolada kale beegsanayso.

Sida ay wararku sheegayaan banaan baxyo ay samaynayeen dhalinyaro kasoo jeeda dhanka Qawmiyada Walayta ayaa noqday kuwo isu badalay dagaal kadib markii ay is faro saareen koox kale oo qoomiyada Sidama u dhalatay.

Wararka ayaa intaas kudaraya in lagubay xarumo caan ah oo ay kamid yihiin jaamacada Walayta iyo maxkamada Sidhu ee deegaanka walayta .

Isku dhaca udheexa shucuubta kuhoos dulman Gumaysiga Itoobiya ayaa noqday mid aad usii kordhaya kana socda dhamaan gobalada kujira gacanta Gumaysiga iyada oo la ogyahay in ay tahay qorshe isku dir iyo kala dil ah oo uu kashaqaynayo Gumaysigu ugana golleeyahay in ay iska fudaydiyaan culaysyada gumaysi diidka ah ee lagaga soo horjeedo xukunkooda macan gaga ah.

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay labadan qawmiyadood isku dhacaan balse waxaa jira isku dhacyo mudooyinkii udambeeyayba socday oo gaystay dhibaatooyin badan wararkan iyo wixii kasoo kordha kala soco wakaalada wararka Ogadeniya ee ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay