Madaxweyne Trump ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoral uu dhawaan u diray Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka Maraykanka, oo uu kaga warbixinayey daad-gureynta Ciiddamadda Maraykanka ah ee Hawlgalladda ka wada dalal ka tirsan Caalamka.

Website ka Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ee  whitehouse.gov ayaa lagu soo daabacay Khudbadii Donald Trump oo dhamaystiran taas oo uu ku sheegay inay Maraykanka sii wadaan sidii ay Saaxiibadooda ku sugan calaamka kala shaqeyn lahaayeen La-dagaalanka Kooxaha Daacish iyo Alqaacida.

Waxa uu intaasi ku daray in si gaar ah diiradda loo saarayo Deegaanadda ay Talisyadda Dhexe iyo Afrika mas’uul ka yihiin.

Mar uu Warbixintiisa kaga hadlayey Bariga Afrika waxa ku shaaciyey inay Ciiddamadda Maraykanka weli wadaan dagaalka looga hortagayo Khatarta Daacish iyo Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Qoraalka uu Donald Trump u gudbiyey Congareeska waxa kale oo uu ku muujiyey inay Ciiddamadda Maraykanka taageero, La-talin iyo Dagaal-gelin siiyaan Ciiddamadda Gobalka, oo ay ku jiraan Ciiddanka Dawlada Federalka Soomaaliya (DFS)  iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu xaqiijiyey inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen dalka Somalia, si ay taageero uga geystaan Hawlgalladda Dagaal ee la dagaalanka iyo kuwa kale ee laga wado Gobolka Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale,  Donald Trump waxa uu sheegay inay sii wadayaan wada shaqeynta ay Dowladda Jabuuti la leeyihiin, oo iyadu u fasaxday Ciiddamadda Maraykanka inay isticmaali karaan Xuduudaha Jabuuti.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu tilmaamay in uu Ciidamo dagaalama u diray  Talisyadda dhowr goobood oo ku yaalla Bartamaha Maraykanka, Europe, Afrika iyo  Passific.

Trump waxa kale oo uu xusay inay Ciiddamadda Maraykanka hawlgallo ka wadaan dalalka Bariga Afrika, Iraq, Lubnaan, Syria,  Gacanka Carbeed, Turkiga, Urdun, Libya, Afganistan iyo Cuba.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixinta uu Trump u gudbiyey Afhayeenka Aqalka Wakiiladda iyo Afhayeenka KMG ee Senedka dalkiisa waxay ku soo beegantay, iyadoo uu Senator ka tirsan Congareeska Maraykanka ku baaqay in la joojiyo Dhaqaalaha lasiiyo Ciiddanka DFS.

Senator Rand Paul oo ah Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka lasocka Kharashaadka Federalka iyo Maareynta Gurmadka ee Aqalka Senedka Maraykanka waxa uu ku eedeeyey inay qaar ka tirsan Ciiddanka DFS xubhno ka yihiin Alshabaab iyo  in 920 carruur ah  la askareeyey, laguna khasbo inay dagaalamaan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay