Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi ka socda Itoobiya oo uu horkacayo ra’iisal wasaaraha gumaysiga Itoobiya Abiy Ahmed.

Abi Ahmed ayaa tan iyo markii la magacaabay ku jiray booqasho uu ku tagayay wadamada dariska la ah Itoobiya, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha cusub ee gumaysiga Ethiopia uu sheegay inuu ka shaqeenayo xoojinta xidhiidhka Itoobiya la leedahay wadamada dariska ah.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, iyoadoo calanka gumaysiga Ethiopia la sudhay wadooyinka magaalada,waxaana inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee  magaalada oo loo diiday in ay maraan gaadiidka dadweynaha , waxaana wadooyinka qaar lagu arkayaa ciidamo cusub.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay