Waa Taariikh Madaw Mar hadii Muqdisho uu ka babanayo Calankii Gumaysiga Itoobiya Dhulkii Soomaaliyeed ee Ogaadeniya na uu wali ku jiro gacanta Gumaysiga ayadoo shacabkii Soomaaliyeed ee dhulkaas Ogaadeniya ee Itoobiya gumaysato ay ku hoos jiraan gumaysi naxariis daran mar xalad adag iyo wali halgan dheer oo ay xaqooda ku raadsanayaan.

40 kun oo Askari oo Soomaali ah ayaa ku dhimatay xoraynta dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeniya dagaalkii 77-78 Ayagoo difaacaya lahaanshaha, sharafta, karaamada, iyo jiritaanka dhulkaas inay Soomaali leedahay maanta dhigoodii wuxuu noqday mid khasaaray mar hadii xaalku sidaasba noqday oo caasimadii ummada Soomaaliyeed lagu soo dhawaynayo cadawgii 1aad ee Soomaaliyeed.

Inkastoon la ogayn Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Gumaysiga Itoobiya wuxuu ka qabo dawladnimada Soomaaliya hadana waxay ka siman yihiin dhaqanka ah in aysan jirin wax Soomaaliya iyo Soomaali la yidhaahdo ee ay tahay dad iyo dhul hoos yimaada Boqortooyadii Masiixiga ahayd ee Abbessinia.

Soomaaliya waxaa bur buriyay isla markaana soo hubeeyay jabhadii Xaaraanta ahaa, shacabkana kala qaybiyay wuxuu ahaa Gumaysiga Itoobiya ilaa iyo Maantana asaga ayaa idiin diidan dawladnimo, wuxuuna wali wax u yeedhiyaa kooxda Villa Somalia, Maamul Goboleedyada iyo ururada islaamiyiinta sheeganaya.

Halna ogaada Soomaaliyeey Waligiin dawlad xoog leh inaad noqotaan Itoobiya raali kama noqonayso si aad dawlad xor ah oo xoog badan u noqotaan waxaad ka shaqaysaan sidaad u bur burin la haydeen taliska Gumaysiga Itoobiya taasina waxay ku iman kartaa oo kaliya indinka oo taageera dhamaan mucaaradka Itoobiya gaar ahaan bahda Gobanimo doonka Soomaalida Ogadeenya markaas waa bur buraysaa Itoobiya idin kuna dawlad baad helaysaan.

Anagu hadaan nahay shacabka Soomaalida Ogaadeeniya waligaaano isma dhiibayno waanan la dagaalamaynaa Gumaystaha ilaa aan xaqaanaga ka helayno waana balan taasi shacabkaanaguna waa xoroobi doonaa wuxuuna noqon doonaa Dawlad xoog badan oo laga danbeeyo Geeska Afrika taasoo leh awood ciidan oo xoog leh qalab milatari oo casri ah iyo awood aan la caabin karin Inshaa Allah.

Guusha Gobanimadoonkaa leh, guul daradana Itoobiya iyo Dabadhilif keeda ayaa leh.

W/Q. Wariye Faysal Shilaabo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.