Wararka naga soo gaadhaa magaalada Dire dhaba ee galbeedka Ogaadeniya ayaa sheegaya inay xalay habeenimo ciidamada gumaysiga Itoobiya ay kala baxeen magaalada Diri Dhaba Oday kamida Odayaasha magaalada Diri dhaba kaasoo sida la sheegay kasoo hor jeeday dhibaatada Xasuuqa iyo xabsiga ay ka wadaan kooxda Hawaarinta gobolka Shiniile.

Sida dad goob joogayaal ah noo xaqiijiyeen laba oga meesha dhabta ah ee lagu hayo odaygan waxaana magaciisa naloogu sheegay Moxamuud Muumin Xassan oo ku Magac dheer Gorod.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo adeegsan haya kooxda hawaarinta ee dhaaraanka u ah ayaa waxay ka wadaan guud ahaan ba dhulka Ogaadeniya xasuuq isugu jira xadhig, marjin iyo dil ay ku hayaan dad shacabka ah.

Gobolka Shiniile ayaa guud ahaantiis ba waxaa ka socda kacdoon balaadhan oo lagaga soo horjeedo taliska woyaanaha iyo kooxda maqaar saar ka ah ee fadhigeedu yahay Jig Jiga.

ONA/DiriDhaba.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay