Hogaamiyihii kooxda Talibanka Pakistan Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay gaysteen diyaaradaha Maraykanka.

Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in uu ku dhuumaaleysanayey buuraha bari wadankaasi Afghanistan. Duqeyntan ayaa khamiistii gelinkii danbe ka dhacday degmada Marawera ee gobalka Kunar ee waqooyi-bari Afghanistan.

Fazlullah ayaa sanadkii 2009 u baxsaday dhulka buuraleyda ah ee Afghanistan kadib markii maleeshiyaadkiisa lagu jabiyey dagaalo adag oo ay la galeen militariga Pakistaan, waxaana horey loo tuhunsanaa inuu ku sugnaa bariga Afghanistan sanadihii lasoo dhaafay.

Taliska Militariga Pakistan iyo waliba xafiiska Madaxweynaha Afghanistan ayaa Jimcihii xaqiijiyey in hogaamiyahaasi lagu dilay duqeyn Maraykanka u adeegsaday diyaaradaha Drone-ka.

Kooxda Talibanka Pakistan ayaa lagu eedeeyey inay geysteen weeraradii ugu cuslaa ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay gudaha dalka Pakistaan oo ay kujiraan weeraradii lala beegsaday saldhiyada militariga, masaajidada iyo waliba xarumaha waxbarashada.

Wuxuu Mullah Fazlullah hogaanka kooxdaasi la wareegay sanadkii 2013 kadib markii hogaamiyihii isaga ka horeeyey ee Hakimullah Mehsud isna lagu dilay duqeynta Maraykanka oo ka dhacday gobalka Waziristan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay