Waxaa wali halkiisii kasii socda kacdoon iyo qalalaasihii u dhaxeeyay Shucuubta Koonfureed kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo shacabka ah.

Kacdoonkan ayaa waxaa maanta ku dhintay 5 qo oo shacab ah waxaana wali socda iska hor imaad wuxuuna ka socdaa Dila iyo Awasa. Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu colaad ka dhex abuuray qoomiyadaha wada daga si uu xukunkiisa usii dheeraysto wuxuu taas tu lamida ka dhex huriyay Soomaalida iyo Oromada ayadoo wali ay weeraro lagu hayo dadka Soomaalida ah ee dhibaatadu kasoo gaadhay colaada aysan waxba iska badelin xaalkoodu.

Guud ahaan dhulka Gumaysiga Itoobiya ayaa waxaa hadheeyay mudaaharaado badan oo looga soo horjeedo taliska Gumaysiga oo dhibaato baahsan ku haya dhamaan shucuubta ku hoos dulman.

Dhanka kale waxaa jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya kooxda EPRDF loogu yeedho talada wadanka xooga ku haysata waxayna ka dhamaan la yihiin shirar aan dhamaad lahayn isla markaana xal lagu keenaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay