Ilaahay wuxuu qur’aankiisa kariimka ah ku leeyahay cidii ilaahay iyo rasuulkiisa adeecday ayaa guulaystay qur’aanka 4 jeer ayuu eraygan الْفَائِزُونَ kusoo arooray الفَوْزُ العَظِيمُ 13 jeer bay qur’aanka kusoo aroortay sadex iyo tobanka jeerba aakhiro ayay ka waramaysaa الفَوْزُ الكبئر mar ayay kusoo aroortay الفَوْزُ eraygan kaligii 16 jeer ayuu qur’aanku qoray, 16 ka jeerba midna aduunyada kama waramayso 16 ka jeer intuba waxa ay ka waramayaan aakhiro.

Nolosha guusheeda dhabta ahi waa marka aad aakhiro badbaado ilaahayna qur’aankiisa wuxuu ku leeyahay فمن زحزح عن النار وادخل الجنة فقد فاز wuxu inooga waramay cida guulaysatay inay cidaasi oo kaliya tahay sidaa awgeed sidee loo gaadhi guusha dhabta ah hadaynu niraahno, dariiq walba oo meeshaa ku gaadhsiinaya ayaa ah wixii lagu badbaadi lahaa, sidaa darteed ayuu qur’anka ilaahay wuxuu inoogu tilmaamay nabiyo, nabiyadu dhamaantood waa guulaysteen sow ma ahan nabi faashil ah miyaa jira waa maya, hadana ilaahay qur’anka wuxuu inoogu tilmaamay anbiyo qaarbaa wax noqday kuwo dowlado maamulay, kuwo jini iyo insiba utaliyay sida Suleymaan iyo daa’uud, waxaa kaloo qur’anku inooga waramay anbiyo la laayay ama la dilay, hadana waxaanu wada leenahay anbiyadu waa wada guulaysteen nabi guul daraystayna ma jiro oo nabi walba wuu guulaystay wa’ayo hadafka xaqiiqiga ah ee nolosha ayuu gartey, noloshu waxay tahay buu fahmay dabadeetana isagoo jidkii noloshaa ku socda ayay naftu ka baxday sidaa daraadeed baa loo leeyahay wuu guulaystay.

Aan idin waydiiyee ninka badaha gala ee tahriiba ee nafta kaga baxdo iyo kan ka talaabo ee yurub gaadha ma niraahnaa kaasi wuu guulaystay midna waa dhintay saas sax ma tahay ? yurub in la gaadho wax nafta loo bixiyo miyay tahay ? waxaad unooleed miyay tahay oo hadii la waayo ay tahay inaad dhimato ?

Dadka intiisa badan waxaa ka qaldan wixii loo noolaa, markii la garan waayay waxa loo noolyahay ayaa ninba meel cidlo ah ku geeriyooday, qofba siduu meel u ordayay mid isagoo xoolo raadinaya ay naftu ka baxday, mid isagoo dad laynaya ayay naftu ka baxdey, tusaale qolyahan dagaalama ee reerka udagaalama waxay uhaystaan reerka kale haday dad badan ka laayaan iney guulaysteen iyagoo faraxsan ayay soo noqonaayaan oo markii la yidhaahdo maxaad soo qabateen waxay odhan hayaan qoladii waan jabinay, hadiise reer hebal aakhiro loo diro miyaa la guulaystay ? yacni waxa la garan waayay waxa loo nool yahay, waxa wax loo baranaayaa la garan waayay, waxa loo guursanayaa la garan waayay, waxa loo joogaa la garan waayay ………………….

Lasocda qaybaha dambe ee maqaalkan oo taxano inoo ah Insha Allaah.

By Liban Miyir Abdi (Kulmiye)
Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay