Dekadaha Soomaaliya oo Itoobiya lagu Wareejiyo Maxaa keenya, yaase ka Dambeeya ama Maal u Haya? Saameeyn Maku Leeyahay Geeska Afrika? Soomaalidase Maxaa la Gudboon?
Qaabkey Wax U Socdaan?
Maqaal hore Halkan Ka Akhri waxaan ku sheegnay in 5 June 2018 uu  Xisbiga EPRDF ee xukuma Itoobiya ku dhawaaqay inuu si buuxda u aqbalay hirgelinta heshiiskii nabadda (Algiers Agreement 12 Dec 2000) ee dhulka Badme lagu siiyay Ereteriya, hadalkan ayaa yimid kadib 17 sano, 5 bilood wakhti ah ooy Itoobiya diidaneyd inay u hogaansanto heshiishka nabadda.
Waxaa kale ooy Warbixintu soo jeediyay su’aalaha la isweydiinayo waxaana kamid ah: maxaa maanta keenay inay Itoobiya ogolaato in heshiish dhexmaro ayada & Eretriya? Maxaa ka jira ama ka socda Itoobiya oodan ogeyn? malaga yaabaa in wax-yaabo aan la finaynin soo socdaan? Soomaalida (Ogadenya, Jamhuuriya Soomaaliya, Jabuuti) xagey kaga jiraan arimahan? Saameeyn ma ku leeyihiin ama ma u keeni karaan?
Sidaan maqaalkii hore (Halkan Ka Akhri) ku sheegnay dalka Itoobiya wuxuu ku jiraa qalalaase siyaasad & xaalad aan la saadaalin karin oo aad u murugsan, wuxuu qarka u saaran yahay bur-bur & xasuuq-qabiil, xaalka gudaha & xidhiidhka oo meel xun gaadhay & dhaqaalaha dalka oo dhulka galay. Kadib markii Abiye Axmad lagu magacaabay Raysal Wasaaraha Itoobiya (2 April 2018) wuxuu sameeyay safaro dibada ah oo badan, wuxuu kulamo la yeeshay wufuud wadamada Carbeed & China, wuxuuna nuxurku ahaa sidii dalka loo badbaadin lahaa ayaguna uga faa-iideysan lahaayeen.
Kadib go’aankii Jabuuti & Soomaaliya ee lagu caydhiyay Imaaraadka Carabta (DP world) waxaa dhacay safarro & kulamo badan oo dhaxmaray madaxda Itoobiya & kuwo Carbeed gaar ahaan Imaaraadka Carabta & Sacuudi Carabiya. Labadaa wadan ee Carbeed ayaa kordhiyay taakuleynta & gar-gaarka Itoobiya, ayagoo kaalmo u fidiyay dadka barakacay ee Oromada, halka ayna waxba u qaban Shacabka Soomaalida Ogadenya ee Oromadu soo barakicisay (Xeryaha Dire dhabe & Qoloji) ku sugan ee aadka u tabaalaysan. Sida ay sheegtay UNOCHA xeryaha Qoloji waxaa ku jira dad ka badan 80 kun shacab Soomaaliyeed, dadkaa ooy dowladda Itoobiya & maamulka Oromadu barokiciyeen.
Hadaba waxaa iska cad inay labadaa dal ee Carbeed waa Imaaraadka Carabta & Sacuudi Carabiya ay yihiin kuwa dabada ka riixaya inay Itoobiya ogolaato hirgelinta heshiiskii nabadda (Algiers Agreement 12 Dec 2000) & inay dib u sameyso ciidankeeda Badda, oo ujeedadu tahay inay Itoobiya ka caawiso sidii ay labadaa wadan u hanan lahaayeen dakadaha Geeska Afrika & hantida & kheyraadka Soomaalida (Ogadenya, Jamhuuriya Soomaaliya, Jabuuti)!
16 May 2018 waxay Itoobiya u dirtay Jigjiga Wasiirka Xidhiidhka Arrimaha Dawlada federaalka Axmed Shide oo ah Soomaali, kuna hadla afka Oromada, waana shakhsigii Itoobiya u sixiixay heshiiskii Berbera ee sadex geesoodka ahaa (Itoobiya, Imaaraatka & Somaliland). Lama garanayo fariinta uu xambaarsanaa Mr. Shide.
Sadex casho ka hor waxay Itoobiya sheegtay hiigsigeeda ah dhisidda ciidamada badda, ayadoon ognahay inayna lahayn bad. Hadaba halka fadhiisinka (saldhigga ama aagga ay ka howgali doonaan) u noqon karta ciidankeeda Badda ayaa ah Ereteriya (Casab ama Musawac), Jabuuti ama Soomaaliya (Berbera, Boosaaso, Marka ama Kismaayo).
15 June 2018 Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala sixiixday heshiis qiimihiisu yahay 3 Bilyan oo doolarka Mareykanka (3 Bilyan maalgashi & 1 Bilyan oo taageero lacageed lagu shubayo Baanka Dhexe ee Itoobiya) Bangiyada Itoobiya ayaa laga waayay lacagaha adag.  Bixinta lacagtaa deeqsinimo kama aha Imaaraadka Carabta ee waxay doonayaan inay Itoobiya u qabato xeebihii & dakadaha Soomaalida ee laga soo ceydhiyay.
Maxay Itoobiya & Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) ka mideysan yihiin ama ku kala tagsan yihiin? Itoobiya & wadamadama Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) Waxay heshiis ku yihiin laba arimood: inayna dowlad heybad & quwad leh ka dhalanin Soomaaliya & inay baad ama boob ku qaataan ama ku helaan khayraadka & badaha Soomaalida. Waxayse ku kala tagsan yihiin Itoobiya waxay rabtaa inay dhoofiso khayraadka shidaalka Ogaadeen, halka Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) ay dhimasho ka xigaan shidaal laga soo saaro Ogaadeen ama Soomaaliya.
Dhanka kale Itoobiya waxay dooneysaa inay ciidamadeeda badda ku qabsato Soomaaliya, halka Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) ay ka doonayaan inay ciidamada Itoobiya u sahlaan xakamaynta kheyraadka & dakadaha Soomaaliya. wadamada Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) waxay doonayaan inay Jabuuti & Soomaaliya ku ciqaabaan go’aankii ay DP world kaga caydhiyeen dalalkooda.
Go’aankii 5 June 2018 uu  Xisbiga EPRDF ee xukuma Itoobiya ku dhawaaqay ee ahaa inuu si buuxda u aqbalay hirgelinta heshiiskii nabadda (Algiers Agreement 12 Dec 2000 (Halkan Ka Akhri) ee dhulka Badme lagu siiyay Ereteriya, ayay dad badan u arkeen arin ay Itoobiya daacad ka tahay, waxaase soo baxaya waxyaabo ka duwan arinkaa. Hadalkii Ereteriya ee ahaa haday Itoobiya dhab ka tahay horta ha ka baxado dhulkaa waxaa loo arkayay mid guracan laakiin go’aanka Tigray TPLF ee ahaa “Abiye waa qar-iska-tuur, arinkaana lagama tashan uruka TPLF, waana in la iska arkaa” ayaa u muuqda khalad ama bohol ay Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) kurka u galiyeen Abiye & Oromada fadhida Arat Kilo (bet Menegist Addis Ababa), arinkaa oo dhaliyay isbahaysi cusub oo dhex maray Axmaarada & Tigrayga oo isku qolo ah wuxuuna horseedi karaa qalalaase siyaasadeed & kooxda Abiye oo god gala.
16 June 2018 waxay Farmaajo & Abiye Xamar kaga dhawaaqeen hadal lamid ah kii arinka Badme. Waxay labadaa shakhsi ku heshiiyeen inay 4 dakadood oo Soomaliya ku yaala lagu wareejio Itoobiya oo dhista dakadahaa & wadooyinka ku xidha Itoobiya. Su’aasha ayaa ah “lacagta ama kharashka maalglinta intaa la eg xagee laga keeni ama yaa bixin? siduu noqon saami qaybsiga labada dal & dalalka lacagta bixinya (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya)? maxaa Imaaraadka Carabta loo caydhiyay mar haday soo noqonayaan ayagoo daba socda Itoobiya? Iyo su’aalo lamid ah.
Kadib go’aankii Jabuuti & Soomaaliya ee lagu caydhiyay Imaaraadka Carabta (DP world) waxaa dhacay safarro & kulamo badan ooy madax Itoobiya ku tageen dalal Afrika (Sudan & Kenya) & Carabta (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya), waxayna Itoobiya la sixiixatay Sudan & Kenya inay maalgaliso dekedaha Jabuuti (Port of Djibouti), Sudan (Port Sudan),  Kenya (Lamu) & Soomaaliya (4 dekedood), waxaa kale ooy Itoobiya ogolaatay heshiiskii nabadda (Algiers Agreement 12 Dec 2000) si ay u hesho ama maalgalin ugu sameyso dakadaha Asab & Musawac ee Ereteriya. 16 June 2018 waxay madaxda Soomaalidu ogolaatay inay Itoobiya qaadato 4 dakadood oo ku yaala Soomaaliya.
Hadaba su’aalaha taagan ayaa ah “waa maxay sababta ku kaliftay inay Itoobiya qaadato ama hesho tiro dekedo oo intaa la eg? Itoobiya ma u baahan tahay dakadahaa? Itoobiya awood ma u leedahay inay maalgaliso ama maalgalin u hesho dhamaan dakadahaa?
Hadaba Timir Laf baa ku jirta: jawaabaha su’aalahaa way kala duwan yihiin, waxaase jira waxyaabo badan oo qarsoon loona baahan yahay in wakhtigooda la sugaa. Shaki kuma jiro in isbaddalka ka bilowday Itoobiya & waxyaabaha ay Carabtu ka wadaan  Geeska Afrika aanu noqon doonin sida dad badan umalaynaan, waxaa soo bixi doona waxyaabo badan oon wakhtiga xaadirka la ogeyn, waxaana kamid ah waxa Itoobiya ku khasbay in si lama filaan & shuruud la’aan ah ay ku aqbashay hesiish noocan oo kale ah & inay hesho 7-10 dekedood & waliba ciidan badeed oo difaaca danahooda. Itoobiy & Carabtu (Imaaraadka & Sacuudi Carabiya) waxay ku heshiiyeen inay boobaan ama dhacaan dekedaha Geeska Afrika & kheyraadka Soomaalida (1. dakadaha Jabuuti & Soomaaliya, 2. Shidaalka, xoolaha & beeraha Soomaalida Ogaden, Soomaaliya, NFD, 3. Dhuxusha Waamo ee Soomaaliya, 4. Duur-joogta dhulka Soomaalida).
Xaalka Tigray ayaa ahaa “Dagitaanba ka fudud” inaan la heshiino Ereteriya waaban ku taameynay duceysane Carabow “shukran” wxaase soo baxay diidmo madaxda ciidamada & TPLF oo ku dhagan Abiye waana arinkuu ku dhiman lahaa. Durba waxaa soo baxay isbahaysi Axmaaro – Tigray oo ka dhan ah go’aanka oromo OPDO ee ah in Badme lagu wareejiyo Ereteriya, waxaana si cad loogu sheegay in Abiye kooxdiisa OPDO qabrigooda qodayaan
Mar hadduu xaalku sidaa yahay, waxaa haboon in Soomaalida oo ah dulmanayaal ku hoos dulman Itoobiya ay fahmaan xaal halkuu marayo, dhankay wax u socdaan, u diyaar garooobaan waxa xiga “ qayrkaa la tartan”. Dad badan ayaa aaminsan in isbadalka maanta ee Itoobiya ka bilowday uu ka khatar badan yahay kuwii hore, sababta oo ah waxa loo tartamayo ama lagu heshiinayo ayaa ah kheyraadka, shidaalka iyo xoolaha  Soomaalida Ogaden marka xaalku waa “khayr wax kuma yeelee shar u toog hay”. Sidaa darted isbadalkan xuxuu u baahan yahay ama laga faa-iideysan karaa deganaansho & isku tashi Soomaaliyeed, hogaan wanaagsan, taxadar & daraasad cilmiyeysan. Suudaan & Ereteriya ayaa aguna mid taa lamid ah u baahan.

Guntii & Gunaanadkii:-

Soomaalidii hore way ka garaad roonaayeen kuwa maanta, waxaa qiimo la lahaa dhulka & dadka & diinta. Dadka Berbara waa kuwii Ingiriiska ugu jawaabay (Berbera wax go’ lagu qaadey ka weyn) Gabayadii Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sheikh Axmad Wacdiyow)  uu tiriyay 100 sano ka hor waxaa ka mid ahaa:
– Rajulka kaafur ah ee rugtaan yimid
– Sidii rasuul rabi nooma soo dirin.
– Mana rabnoo naga reed bax waa niri
– Hadaad ruux la dagaasho kaa rooooooon
– Reerkaad u kaashan laheydne raagaan
– Ragoow hadoo qalbi waa la rafaadaa.
Waxaa kale oo kamid ahaa gabayada Sheikh Axmad Wacdiyow
– Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
– Dalkeena ballaaran u daafacaynaa,
– Kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
– Dabeylka mowdku intuu I daadihin,
– Hilibka duud cunin deebna uu noqon,
– Duruyadaada dab looma aasee,
– Kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
– Kufriga soo dagay diidda leenahay.
Go’aanka Farmaajo & Kheyre ku gaareen inay 4 dekadood siiyaan Itoobiya & inay ciidamada Itoobiya maamulaan xeebaha & dakadaha Soomaaliya ayadoon ognahay inayna maanta dowlad ka jirin Itoobiya wuxuu u muuqdaa Qar-Iska-Tuurnimo ee dib ha iskugu noqdaan oo danta dadka, dalka & diinta ha xushmeeyaan. Hadii kale waxay horseedi kartaa in iyaga karkaarka la waydaariyo oo qabrigoodii ay gacmohooda ku qotaan.
W/Q: Hure Jeefad (jeefad1983@gmail.com)
Aqoonyahan Wax ka qora Arimaha Geeska Africa
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.