Siidaynta Madaxda & Xubnaha ONLF ee Ra’iisul Wasaaraha Cusub Waa Tilaabo Dhanka Wanaagsan Loo Qaaday.

ONLF oo Bayaan Kasoo Saartay Siidaynta Maxaabiista.

17 June 2018

Dawlada Itoobiya ee uu hogaamiyo Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa shalay siidaysay 8 maxbuus oo iskugu jira masuuliin kamid ah hogaanka sare ee ONLF iyo xubno kale, ku waas oo sanado badan kahor la xidhay. Masuuliintan ayaa kamid ah kumaankum maxaabiista Soomaalida Ogadeenya ah oo laqabtay iyagoo u dagaalamaya xuquuqda iyo masiirka shacabkooda dulman. Geesiyaashan la siidaayay ayaa mudo dheer ku xidhnaa jeelal iyo xarumo ay kala kulmeen intii ay ku jireen cadaadis iyo ciqaab aan lasoo koobi karin oo iskugu jira jidhdil arxan darri ah oo ay ku mutaysteen inay naftooda u hureen shacabkooda dulman taas oo aysan iloobi doonin jiilasha soo socda.

Inkasta oo siidaynta maxaabistan ay tahay talaabo dhanka wanaagsan loo qaaday ayaa hadana malaayiin Soomaali ah ay ku jiraan jeel dusha ka furan meesha ay kumaankum kalana ku jiraan jeelasha iyo xarumaha kala duwan ee Ogadeenya ka dhisan. Ku dhawaad labo kun oo maxbuus ayaa dhawaan laga siidaayay jeelka caanka ah ee loo yaqaano Jeel Ogadeen. Maxaabiistan ayaa loo qaaday xero ku taala Bayaxoow oo kamid ah Shabeele, halkaas oo maxaabiista lagu adoonsado iyagoo beeraha lagu fasho isla markaana si fool xun oo arxan darri ah loola dhaqmo. ONLF waxay ugu baaqaysaa dawlada Itoobiya ee uu madaxa ka yahay Dr Abiye Axmad in sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda loosiiyo dhamaan maxaabiista Soomaalida Ogadeenya isla markaana la joojiyo dhibaatada ka socota Ogadeenya iyo Itoobiya.

Waxaa kale oo ay ONLF rumaysan tahay in Ra’iisul wasaaraha cusub uu haysto fursad u horseedi karta in bog cusub uu furmo taas oo si dhab ah looga yool gaadhi karo xal u helista gundhiga colaada iyo xasilooni darrida ku habsatay Geeska Africa oo ah xasiloonida Ogadeenya iyo Eritrea laga soo bilaabo dagaalkii labaad ee aduunka.

Sida kaliya ee xasilooni iyo nabadgaliyo waarta lagu heli karo ayaa ah in si miisaaman oo isku dheeli tiran loo tixgaliyo xuquuqda dhamaan shucuubta ku hoos dulman taliska Itoobiya isla markaana ay aayohooda uga tashan lahaayeen oo dimuqraadiyad taaba gasha looga hirgalin lahaa Itoobiya oo idil. Waxaa kale oo laga doonayaa in Itoobiya ay bedesho dhaqanka ku salaysan colaada iyo fawdada marka ay ka falcelinayso rabitaanka dhamaan shucuubta ku hoos dulman iyo waliba wadamada jaarka ay yihiin.

Waxay markasta ONLF soo dhawaynaysaa wada-hadal dhab ah oo ku qotoma is ixtiraam iyo mabaadii’ada dhabta ah ee u dajisan wadahadallada taas oo beesha caalamku ay aqoonsan tahay si xal waara oo labada dhinacba qanciya loo gaadho taas oo ku iman karta in si  dhab ah looga hawlgalo sidii loo xaqiijin lahaa xuquuqda iyo rabitaanka shacabka Soomaalida Ogadeenya, iyada oo aan wax natiijo ah laga gaadhaynin isku day kasta oo ku yimaada deg deg iyo kafiirsasho la’aan in lagu xalliyo dhibaato soo jiitamaysay ku dhawaad hal qarni taas oo galaafatay dad badan oo labada dhinacba ah.

Ugu dambayntii, waxay ONLF aad u rumaysan tahay in colaada iy xasilooni darrida ka jirta Itoobiya lagu xallin karro oo kaliya hadii ay dhamaan dhinacyada kala duwan ee iska soo horjeeda si dhab ah looga qaybgaliyo wada hadal aan loo kala hadhin oo ay qayb ka yihiin wadamada dariska ah ee colaadu ay saamaysay. Sidoo kale hadii beesha caalamka laga qaybgaliyo iyaduna waxay u horseedi kartaa in natiijo wax ku ool ah laga gaadho, waa in dhamaan dhinacyada kala duwan ay qayb ka ahaadaan wada hadalka, meeshii kolba qayb si gaar ah gaar ah loola xaajoon lahaa iyadoo la iska indho tirayo aas aaska dhabta ah ee dhibaatada Itoobiya.

Ogadeenya way xoroobi, Shacabka Itoobiyana wuxuu heli doonaa dimuqraadiyad iyo nabadgaliyo waarta oo dhab ah.

 

Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO)

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay