Diyaaradaha dagaalka ee ciidanka Kenya ayaa duqeyn culus ka fuliyey deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka

Magaalada Ceel-Cadde waxaa gacanta ku haya maleeshiyada Shabaab. Ugu yaraan seddex gantaal oo ay soo tuureen diyaaradaha Kenya ayaa ku soo dhacay magaalada, lamana oga cidda lala beegsaday ayuu yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya weli kama aysan hadlin weerarkaasi la sheegay in ay gaysteen diyaaradahooda, iyadoo Ceel-Cadde ay tahay magaaladii lagu dilay ciidamo fara badan oo ka tirsanaa kuwa Kenya bishii Janaayo 2016-ka, kadib markii maleeshiyada Shabaab ay weerar ku soo qaadeen.

Warar ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in duqeynta ay ku dhaawacmeen seddex qof oo shacab ah, isla markaana ay bur-buriyeen guryo ka sameysnaa caws oo ay degnaayeen dad reer miyi ahaa oo dhawaan magaalada soo dagay..

Duqeyntan ayaa imaanaysa xili ciidanka Jubbaland ay wadaan howl galo ballaadhan oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya ay inta badan ka geystaan gobolada Gedo iyo jubbooyinka duqeymo xoogan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay