Golaha wasiirada ee Israel ayaa taageeray qaraar dembi ka dhigaya in muuqaal ama sawir laga duubo ciidammada Israel marka ay ku jiraan xaaladaha qaar.

Sharcigan ayaa waxaa uu ku baaqaya in la xiro qof allaale qofkii muuqaal ka duubo ciidammada, oo ay ku tilmaameen inuu dhaawacayo mooraalka ciidammada.

Dr Tehilla Shwartz oo katirsan machadka dimuqraadiyadda ee Israel ayaa waxaa uu qabaa inay wax ka qaldanyihiin sharcigani.

Sharciga ayaa ku baaqaya in la xiro dadka muuqaalada ka duuba askarta Isra’il kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ujeedadu tahay in la waxyeeleeyo damiirka askarta.

Kooxaha u ololeeya xuquuqul insaanka ayaa si joogta ah muuqaalo uga duubo askarta Isra’il, arrintaasi oo ay ku doonayaan inay ku muujiyaan tacadiyada ciidamada Isra’il ay ka geystaan dhulka ay haystaan.

Askari ka tirsan ciidamda Isra’il ayaa dhawaan lagu xukumay dil kaddib markii laga duubay muuqaal isaga oo tooganaya qof Falastiini ah oo dhaawac ahaa.

Ansixinta wasiirada Isra’il ee sharcigan ayaa ka dhigan bilowga hanaan ay suuragal tahay in inta lagu guda jiro wax laga badalo inta uusan qaanuun noqonin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay