Xaalada guud ee gumaysiga Itoobiya ayaa noqotay mid marba marka kadambaysa mugdi sii galaysa iyadoo sida la ogyahay ay jiraan is maan dhaaf udhaxeeya  Abiye Ahmed kooxda EPRDF iyo waliba Qolyihii talada lagala wareegay ee TPLF  oo madaxa geedaha ku garaacaya.

Maalinta sabtida ah oo kubeegan 23/06/2018 waxaa loo balansanyahay labo mudaaharaad oo waawayn kuwaasoo iska soo horjeeda lagana cabsi qabo in ay kadhashaan dhibaatooyin horleh.

Banaan baxa koobaad oo kadhici doona magaalada maqale ee gobolka Tigray ayaa ah mid lagaga soo horjeedaa Abiye Ahmed iyo Qorshihiisa wuxuuna salka kuhayaa go,aankii Badama iyo waliba waxyaabo kale oo ay kabiyo diideen dadka kasoo horjeeday siyaasadiisa iyadoo la ogyahay in ay dabada kariixayaan ama ay soo Abaabulayaan kooxda TPLF.

Banaan baxa labaad oo noqon doona mid balaadhan ayaa isaguna ka dhici doona magaalada Adis Ababa isla maalintaas waxaana lagu taageerayaa Abiye Ahmed iyo qorshihiisa waxaana isugusoo bixi doona dadka difaacaya siyaasadiisa .

Ma ahan markii ogu horaysay oo ay dibadbaxyo waa wayn ka dhacayaan gumaysiga  wali waxa joogsan la qul qulatooyin mudaaharaadka ee gumaysiga lagaga soo horjeedo balse maalinba maalinka kadambaysa waa mid kasii daraysa gumaysiguna sii galaayo marxalado horleh.

Wararkan wixii kasoo kordha kala soco wakaalada wararka Ogadeniya ee ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay