Nin hubeysan ayaa maalintii shalay ahayd hal goob kuwada diley saddex nin oo walaalo ah, dilka ayaa ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Saddexda qof ee la diley ayaa labo kamid ah ahaayeen walaalo, halka kan 3-aadna uu dhalay adeerkood.

Ninka dilka gaystey ayaa la sheegayaa in uu ahaa askeri ka tirsan ciidanka qaranka Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in ninka dilka gaystey qudhiisu uu qaraabo dhaw la ahaa kuwa uu diley oo ay u dhaxaysey muran dhul ku saabsdan oo hore.

Ninka dilka gaystey ayaa ilaa hadda lugtiisu furan tahay oon faro lagu haynin meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxaana baadi goobaya ciidanka amaanka Soomaaliya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay