Dawlada Shiinaha ayaa shaacisay jawaab ku socota canshuurta iyo tarifada Maraykanka uu dul saaray birta iyo aluminium laga keeno dalkaasi.

Xukuumada Shiinaha oo sheegtay in Maraykanka uu bilaabay dagaalka cusub ee ganacsiga aduunka ayaa tarif cusub dul dhigtay Gadiidka, Cuntada iyo Kaluunka uu Maraykanka u iib geeyo wadanka Shiinaha, tarifadan oo gaadheysa $50-bilyan (Konton Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah) ayaa jawaab u ah go’aankii Trump kusoo rogay birta Shiinaha uu Maraykanku suuqgeeyo.

Shiinaha ayaa sheegtay in tarifadan ay hirgeli doonto 6-da bisha Luuliyo, waxayna intaasi raaciyeen in ay jawaab ka bixin doonaan tilaabo walba oo uu Maraykanka qaado mustaqbalka. Dalka India oo kamid ah wadamada uu Maraykanka ganacsigooda tarifada kusoo rogay ayaa iyaguna sheegay inay sare u qaadeen tarifada laga qaado alaabta laga keeno Maraykanka.

Horey ayey dalalka Midowga Yurub (EU), Canada iyo Mexico u sheegeen inay iska difaaci doonaan tarifada iyo canshuurta Maraykanka kusoo rogay ganacsigooda iyadoo aan illaa iyo hada xal loo helin dagaalanka ganacsi oo uu bilaabay Donald Trump.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay