Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqaymo dheeraad ah oo ay la beegsadeen magaalada dekadda leh ee Xudeydah ee dalka Yemen.

QM ayaa ka digtay in duullaanka ay horkacayso xukuumada Sacuudiga uu horseedi karo khasaaro soo gaadha dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaaladan oo aad looga dayrinayo xaalada ay ku sugan yihiin ee banii’aadminimo.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dagaalkan loogu jiro gacan ku haynta magaalada dekadda leh ee Xudeydah ay ka dhalan karto in gargaarka bina’aadnimo uu hakad ku yimaado taasi oo hadii ay dhacdo keeni karta inay macaluul daran lasoo daristo shacabka ku tiirsan gargaarka ay u fidiyaan hay’adaha samafalku.

Dekadda magaalada Xudeydah ayaa ah goob laga soo dajiyo gargaarka bina’aadanimo ee la gaarsiiyo dadka reer Yemen ee tabaalaysan. Duqaymaha magaalada Xudeydah ayaa billaabmay Arbacadii toddobaadkii aanu soo dhaafnay walina si xawli ah kusocda kuwaas oo khasaare balaadhan gaystay.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay