Baarlaanka Gumaysiga Itoobiya ayaa maalinimadii shalay ahayd taariimhduna kubeegnayd 18/06/2018 kulan dag dag ah isugu yimid magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya.

Kulankan dag dagga ah oo ay kasoo qayb galeen inta badan xubnaha Baarlamaanka Gumaysiga ayaa lagaga dooday qodobo dhawr ah iyadoo la ogyahay in xal loo la’yahay dhibaatooyinka kajira dalka ee u horseeday daganaansho la,aanta iyo qalalaasaha siyaasadeed ee joogtada ah .

Hadaba iyadoo ay taasi jirto ayuu Baarlamaanka Gumaysigu ku kala aragti duwanyahay habkii loo mari lahaa xal u helida dhibaatada sii kordhaysa ee dalka waxayna qaarkood u arkaan in Abiye Ahmed iyo siyaasadiisu halis hor leh kutahay xaalada dalka halka ay kuwa kalana qabaan in uu keeni karo xal siyaasadeed iyo xasilooni ka hirgasha Itoobiya.

Dood dheer oo inta badan laysku mari waayay kadib waxaa madasha Baarlamaanka ka hor khudbeeyay Ra,iisal wasaaraha cusub ee Gumaysiga Itoobiya Abiye Ahmed oo ka dhawaajiyay dhawr Qodob wuxuuna ka dhawaajiyay dhawr arimood oo ay kamid ahayd go,aankii EPRDF ee ku,aadanaa arinta xuduuda Eritrea oo maalmahan kadhawaajisay TPLF iyo taageerayaashooda wuxuu sidoo kale xusay maxaabiista asagoo sheegay inlasii dayn doono maxaabiista kujirata xabsiyada lana daba gali doono cidkastoo kashaqaysa xabsiyada dadka lagu ciqaabo ee Gumaysiga Itoobiya.

Khudbadan Abiye oo kusoo aadaysa xilli uu kasii darayo dalku ayaa uga digay dadkii xilalka laga qaaday oo dhamaantood diyaarinaya qaabkii ay ufashilin lahaayeen xukuumadiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay