Dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay weerarkii shalay gelinkii dambe ciidamada lala beegsaday deegaanka Wajeer oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii qarax miino lala eegtay gaadhi nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Booliska Kenya, waxayna ka mid ahaayeen ciidan waday hawlgal roondo ah. Charles Owino afhayeenka Booliiska Kenya oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa uu sheegay in weerarkaasi ciidanka Booliska Kenya looga dilay 8 askari, wuxuuna tilmaamay in ciidanka ay ku baxeen Shabaabkii falkaasi ka dambeeyay.

Al-shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in qaraxaasi ay ku dileen 15 askari oo Kenyan ah, sidoo kalena ay ku gubeen gaari nooca ciidanka ah.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay