Wararka nagasoo gaadhaya gudaha magaalada Addiss Ababa ee Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in Galiyihii Guud ee Ciidanka Policeka Federalka Itoobiya iscasilay.

Taliyahan iscasilay ayaa sheegay inuu sababo shakhsi ah isku casilay balse sida dhabta ah ayaa midaas aad uga fog waaxana la sheegayaa inuu iscasilay kadib markii uu wax talaabo ah kaqaadi waayay saraakiishii Tigrayga ahayd oo meel walba dhex fadhiya uuna ku fashilmay shaqadii loo idmaday oo ahayd xakamaynta kacdoonka shacabka Itoobiya.

Yared Zarihun ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Gudiga Booliis Federelka Itoobiya  19-kii Aprill ee sanadkan asagoo xilka qaadis lagu sameeyay Assefa oo ka horeeyay. Xaalka guud ee taliska Gumaysiga Itoobiya ayaa isku dhex yaacsan waxaana jira khilaaf xoogan iyo loolan u dhaxeeya kooxda TPLF &  kooxahan huwanta ah ee Oramada & Amxaarada oo dhinac ah.

Kooxda TPLF oo 27 sano Shucuubta Itoobiya ku hoosnool soo gumaadayay hanti badana ka samaystay ayaa meesha kasii baxaya waxaana socda qorshe kadhan ah oo karkaarka lagu waydaarinayo kooxdan TPLF ee gabalkeedii dhacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay