Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmad ayaa ciidanka Gumaysiga Itoobiya ku eedeeyay in ay ku kacaan falal argagixisonimo ah iyaga oo si sharci darro ah dadka u xidha una jidh dila.

Kumanaan qof oo ay kamid yihiin dad siyaasad u xidhnaa ayaa la sii daayay, bishan horaanteediina wuxuu Abiye Axmad  xilkii ka tiriyay Taliyihii Guud ee Ciidammada iyo Madixii Sirdoonka.

Eedaynta Abiy u jeediyay ciidanka Gumaysiga Itoobiya ayaa noqotay arin aan looga baran masuuliyiin Gumaysiga Itoobiya in ay sidaas u hadlaan. Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay Abiy.

Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay. Abiy ayaa markaas yidhi yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan shacabkana argagixiyaan guryohoodana habeen ugu dhahaan, taasaa argagixisonimo ah.

Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jidh dilay qolal madawna lagu xidhay iyaga oo jabaysan.

Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa Gumaysiga Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna cabudhinayso.

Ogaadeniya ayaa waxaa ka dhacay gabood fallo iyo xasuuq aad u badan oo ay gaysteen ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay