Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaan magaalada Godey ayaa sheegay in ciidamada nacabka ah ee Gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ay gurigooda kala baxeen gabadh shacab ah magaalada Qalaafe ee gobalka Shabeele.

Gabadhan ayaa waxaa magaceeda naloogu sheegay Sumaya khadar waxaana la geeyay xero ciidan oo ku taala magaalada qalaafo.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dhaaraanka u ah ee hawaarinta ayaa waxay laban laabeen dhibaatadii ay ku hayeen shacabka Ogaadeniya waxana ilaahay uga baryaynaa inuu ka dul qaado shacabka Ogaadeniya dhibaatada haysta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay