Madaxwaynaha dowlada Eritaria ayaa ku dhawaaqay inuu waftdi heer sare ah udirayo gumaysiga Itoobiya madaxwayne ASayas Afworki oo ka hadlayay xaflada dabaal daga ciida dalkiisa ayaa yidhi, waxaan diraynaa wafdi wadahadal lafura Itoobiya waxaana si qotodheer uga wadahadlaynaa arima hada soo cusboonaday iyo kuwa mustabalka imaan doonaba.

Madaxwaynaha oo Hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in isbadalka guud ahaan gobolka kadhacay gaar ahaana Itoobiya uu yahay arin hididiilo leh una baahan inii horay loosii wado.

Taliska wayaanaha ayaa 05 bishii June ku dhawaaqay inuu soo afjarayo colaadii ka dhaxaysay dowlada Eritaria uuna sibuuxda uhirgalinhaayo heshiiskii 2000 wadanka Aljeria ku dhaxmaray Itoobiya iyo Eritaria heshiiskas lagu kala siixiiday dalka Aljeria waxaa diiday oo fulin waayay Itoobiya oo fulin waysay qodabadii lagu heshiiyay.

Taliska wayaanaha ayaa sheegay inuu gabi ahaanba kabaxayo dhulkay Eritarea ka qabsadeen safiirka wadanka Eritaria ufadhiya Japan ayaa bartisa Twiter ka soo dhigay inay Eritaria 16 sano ka hor heshiikii Aljeria aqbashay hadana diyaar tahay.

Kooxda  TPLF ayaa aad uga soo horjeed satay go’aanka raysal wasaaraha ee ah inay iskaga baxaan dhulkii ay laga haystay Eritrea waxaana shir dag daga qabsaday kooxda TPLF ayaa baaq kusoo soo saaray inay shir isugu yimaaday waxa loogu yeedho EPRDF.

Hadaba raysalwasaaraha Itoobiya oo daraad lahadlay baarlamaanka gumaysiga Itoobiya ayaa difaacay go’aanka uu kuwareejin hayo magaalada Badhama iyo soo afjarka colaaada Itoobiya iyo Eritaria udhaxaysay.

Taliska woyaanaha ayaa salka dhulka ku dhutay ogaadayna inaan waxba xoog lagu muquunin karin
Waxaana maalmahan la saadaalin hayaa is badalo inuu sameeyo raysal wasaaraha Itoobiya abiye Ahmed waxaana gabi ahaanba meesha kasii baxaya kooxdii macangaga ahayd ee TPLF.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay