Shirarkii uu hogaanka arimaha dibada jabhada wadaniga  xoraynta Ogadenia uu layeelanayay jaaliyada kudhaqan magaalada Perth ee galbeedka australia oo wali meesheedii kasii socda ayaa maanta oo taariikhdu ahayd 20/3/ 12 abaarihii 4:00 galabnimo ayaa wuxuu gudoomiyuhu shir kulayeeshay odayaasha S.Ogadenia ee kudhaqan magaalada Perth.

Shirkaas oy soo abaabushay jaaliyaddu, si aad uheersaraysana loo soo agaasimay, ayaa waxaa shirka furay guddoomiyaha jaaliyada galbeedka Australia mudane Axmed Dalmar oo isagu kawarbixiyay wax qabadka odayaasha iyo doorka ay kaciyaaraan halganka lagu xoraynayo dhulka S. Ogadenia una soo jeediyay amaan iyo bogaadin sida habsamida leh e had iyo jeer ay heeganka ugu yihiin kawarqabka dhulkooda hooyo.

Warbixintaa iyo xog warankaa kadib ayaa gudoomiyaha jaaliyadu uu kusoo dhaweeyay HAD JWXO Dr. Cabdiraxman maxamed sh.mahdi (maaday). Mudane maaday oo si aad ah ugu hambalyeeyay odayaashii jaaliyada sida habsamida leh ee wadaninimadu ku dheehantahay ey diyaarka ugu yihiin waxqabadka dalkooda. Wuxuu warbixintii kubilaabay xaalada guud ee uu marayo halganka lagu xoraynayo S.ogadenia ee JWXO hogaaminayso, isagoo si qotodheer ugu sharaxay odoyaasha jaaliyada inuu halgankaasi maanta  soo hooyay guulo lagu naaloon karo, waxyarna ay kahadhay xornimada ogadenia loona baahanyahay inta kahadhay in labadhi gantaalo, gumaysigiina uu ku fashilmay ciidankiisii gudaha iyo siyaasadii sii dibadaba haddana uu taaganyahay inuu shacabka aan waxba galabsan ee masaakiinta ah uu kugadoodo.

Warbixintaas oo meelo badan taabanaysay ayuu Dr. maaday kula dardaarmay  gunaanadkii inay halgan kooda sii laban laabaan una hiiliyaan shacabkoodaa dulman ee gumaysigan gunka ah cadaadiska bahalnimada ah ee aan lookala aabo yeelayn  uu ku hayo.

War bixintaas kadib waxaa lagudo galay su’aalo ay odayaashu waydiiyeen Dr. maaday kuwaasoo uu si waafi ah uga wada jawaabay, waxaana odayaasha wajigooda kamuuqday cadho aad ubalaadhan oo ay uqabaan kaligii taliyaha Melez zenawi iyo maxaysatadiisa. Iskusoo ururiyoo shirkaas ayaa waxuu kudhamaaday ballan qaad ay odayaashu hogaanka armaha dibadda hortiisa ku ballan qaadeen inay sii xoojinayaan garab istaaga halganka xaqqa ah ee shacabka dulman een waxba galabsan lagaga xoraynayo gumaysatada wayaanaha.

Shirarka danbe ee uu Dr. maaday kawado Australia kala soco…. Ogaden News Agency.

ONA

PERTH

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay