Koox loo maleynayo in ay ahaayeen budhcad ayaa toogasho ku dilay Sibusiso Radebe oo ahaa xildhibaan ka tirsanaa Xisbiga ANC ee dalka Koonfur Africa.

Madaxa iyo lugta ayaa laga toogtay kaddib markii qofka laga shakisan yahay uu ka dalbaday in uu ku soo wareejiyo taleefankiisa gacanta, sida uu warbaahinta Mpumalanga News u sheegay qof ka mid ah qoyska xildhibaanka.

Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Roodepoort ee ku taalla Koonfur Afrika, waxaana falkan siweyn uga murugaysan qoykiisa.

Sidda ay xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Afrika falkan waxaa geystay koox loo malaynayo in ay yihiin Budhcad, iyaga oo meesha ka saaraya in dilkan lala xiriiriyo siyaasad.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay