Wararka nagasoo gaadhaya gudaha Ogaadeniya gaar ahaana magalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar ayaa sheegaya in saaka ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya iyo kooxda Hawaarinta ay guryahoodii kala baxeen dad shacab ah xaafada shanaad ee magaalada Dhagax Buur.

Dadkan xabsiga lootaxaabay oo aan ilaa hada la garanayn waxa lagu maagay iyo sababta loo xidh xidhay ayaa waxaan helay qaar kamida magacyadooda waxayna kala yihiin.

Ruun Sharif mahamed
Ahmed mahamed dhogor
Muhumed Yuusuf nuur
Iyo haadi oonaan magaciisa oo sadexan haynin

Ciidanka gumaysiga itoobiya iyo canaasiirta uu ku adeegto ee hawaarinta ayaa laba jibaaray xidhayga iyo bahdilka shacabka ogadeniya ayagoo qorshahoodi yahay sidii usii cabsi galin lahaayeen shacabka Soomaalida Ogaadeniya ee gadoodsan.

Wararkan iyo wax kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA/Dhagaxbuur.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay