Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Jigjiga ee xarunta Gobolka Faafan ayaa waxay sheegaan in maleeshiyo Oromo ah ay weerar ku qadeen beeraleey soomali ah meel waxyar u jirta tuulada caws-wayne oo katirsan Gobolka Faafan.

Dagaalkan oo dhilayay khasaare laxaad leh ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay afar Soomaali ah halka 8 kalana ay soo gaadheen dhaawacyo halis ah. Muwaadiniinta maleeshiyaadka Oromadu ay layeen ayaa waxaan hellay qaar kamida magacyadooda waxaana kamida Huseen Yusuf Xirsi, Yusuf Axmed Raage.

Sidoo kale dhaawacyada shacabka Soomaalida ayaa la gaadhsiiyay magaalada Jigjiga ee xarunta gobolka faafan. Dagaalada iyo weerarada kasocda xadka ogaadeniya iyo Oromiya ee loo adeegsanayo maleeshiyaadka ayaa waxaa dabada kariixaya kooxda TPLF oo iyadu ka macaashta isku dirka shucuubta ay xooga kuhaysto.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay