Ciidanka Gumaysiga Itoobiya ee loo yaqaano Agasi ayaa shalay rasaas kufuray dad shacab ah gobolka Dhiima ee dhulka Oromada.

Dadkan shacabka ah oo soo dhawaynayay dad maxaabiis ah oo laga soo daayay jeelasha kala duwan ee Gumaysiga. Rasaasta ay fureen askarta Gumaysiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dhawr qof oo shacab ah waxaana dhaawacmay ugu yaraan 20 qof.

Qaybo kamid ah saraakiisha Tigreega oo jooga aagaasi ayaa la tuhunsanyahay inay amarkan bixiyeen iyadoo ay arintani imaaanayso xilli uu Gumaysigu bishinta isu wada qaniinsanyahay .

Dhacdadan oo aan ahayn mid cusub haseyeeshee soo noqnoqotay ayaa salka kuhaysa kala fogaanshaha Sayaasadeed ee soo kala dhex galay gumaysiga waxaadna moodaa in uu jiro kala aarsi arxan daro ah oo ay ku hayaan saraakiisha ciidamadu shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay