Wararka naga soo gaadhaya xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya JWXO ayaa sheegaya in 5 tii maal mood ee laso dhaafay uu kulan u socda taliska qaybaha, Saraaakiisha ciidanka JWXO iyo Xarunta Dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeniya kulankaas ayaa wuxuu soo bilaw 14/06/2018 wuxuuna soo gabagaboobay taariikhdu markay ahayd 18/06/208kii.

Kulanka ayaa waxaa shir gudoomin hayay gudoomiyaha Xarunta dhexe ee JWXO Halgame Naftiihure Cabdi Saxane waxaana lagu furay sidii caadada inoo ahayd aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi diini ah intaas kadib waxaa qudbad soo jeediyay gudoomiyaha Xarunta dhexe Halgame Naftiihure Cabdi Saxane asagoo aad uga waramay waajibaadka saaran Naftiihuraha Mujaahidka, taliska woyaanaha ee siidhacaya iyo in maanta loo baahan yahay inay shacabka Soomaalida Ogaadeniya ka faa iidaystaan dhan walba.

Kulankan ooy kasoo qayb galeen dhamaanba saraakiisa iyo taliyayaasha qaybaha ayaa waxaa kale oo lagaga arinsanayay wada shaqaynta qaybaha ciidamada, iskaashiga qaybaha oo dhinacyo badan taaban haya, abaabulka bulshada, la socodsiinta tabaha cusub ee uu cadawga gumaysiga ah ee sii bur buraaya uu isticmalaayo iyo qodobo kale oo aad u badan.

Waxaa kale oo kulanka lagaga hadlay xaalada gumaysiga Itoobiya waxaana laga dooday sidii shacabka Soomaalida Ogaadeniya ee mudada badan halganka kusoo jiray maanta uu xoriyadiisii u hanan lahaa uuna ula jaan qaadi lahaa is badalada siyaasadeed ee ka dhacay gumaysiga Itoobiya.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana hawlahoodii shaqo dib u bilaabay saraakiishii Ciidamada ee kulanku usoo dhamaaday.

ONA/Xarunta Dhexe Ee JWXO.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay