Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in horumarka ay Eritrea iyo Gumaysiga Itoobiya ka sameeyeen xal u helista murranka muddada dheer ka dhex oognaa iyo caadiyeynta xidhiidhkooda ay soo dhawaynayaan.

In ka badan 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ayaa colaadda ka dhex oogneyd labada waddan ay hor istaagtay degenaanshaha iyo kobaca dhaqaale ee gobolka.

War-murtiyeed kasoo baxay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arimiyo ayaa lagu sheegay in nabad waarta aysan barwaaqo u horseedeyn shacabka Itoobiya iyo Eritrea kaliya balse guud ahaan dalalka deriska la ah ay saamayn doonto guud ahaan gobolka Geeska Africa oo idil, Mareykanka iyo good ahaan dunida.

Qoraalkan ayaa sidoo kale Mareykanka uu ku soo dhaweeyay go’aankii 20-kii bishan uu madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki uu wafdi ugu diray Addis Ababa, si loo sii horumariyo wada hadallo nabadeed oo labada dhinac dhex mara.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay