War kasoo baxay xafiiska Abiye Axmed ayaa lagu sheegay in xayiraadii saarnayd laga qaaday 264 website iyo TV oo laga mamnuucay in laga daawado ama lagu akhristo gudaha Itoobiya.

Fitsum Arega, oo u qaabilsan madaxa shaqaalaha ee xafiiska Abiye Axmed ayaa ku soo qoray barta uu ku leeyahay twitter ka in xayiraadii saarnayd laga qaaday dhamaan saxaafada xorta ah ee mucaaridku ay lahaayeen kuwaas oo laga mamnuucay in wadanka gudihiisa laga daalacan karo amaba laga daawado.

Talaabadan uu ku dhaqaaqay maamulka cusub ee Gumaysiga Itoobiya ayaa aad loosoo dhaweeyay taasoo muujinaysa ififaalo wanaagsan oo shacabku ku heli karo macluumaadka iyo xogta ka madaxa banaan mida maamulka Addis Ababa oo looga bartay inuu shacabka saaro cadaadis iyo cabudhin joogta ah.

Dhinaca kale waxaa socda diyaar garoow loogu jiro inay labada TV ee kala ah ESAT iyo OMN ay xafiisyo rismi ah ka furan doonaan magaalada Addis Ababa. Arintan oo ah mid ugub ah oon looga baranin Gumaysiga Itoobiya ayuu shacabku aad usoo dhaweeyay, waloow aan la xaqiijin karin sida ay arimaha noocan oo kale ah u hirgali doonaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay