Wararka nagasoo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday goob fagaara ah oo isusoobax taagero ah loogu samayn hayay raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Ahmed

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu kadhacay meel aad ugu dhaw raysalwasaare Abiye goobta qaraxu ka dhacay ayaa argagax iyo kala carar isubadashay waxaana sida muqaalkan hoose kucad isla markiiba meesha lagala cararay ra Abiye Axmad kuxigeenka raysalwasaaraha Itoobiya Mekonnen Hassen afhayeenka baarlamaanka Itoobiya iyo xubno kaloo katirsan taliska Gumaysiga.

Hadaba markuu qaraxu dhacay waxaa gabi ahaanba lawaayay Abiye Ahmed tasoo shacabkii meesha joogay iyo kuwii warbaahinta kala socdayba wal wal iyo walaac kuriday balse wararka hada soo gaadhaya Wakaalada Wararka Ogadenya (ONA) ayaa sheegaya inuu Abiye Ahmad badqabo meel amaan ahna lagu hayo.

Gabi ahaanba xaalada Gumaystaha Itoobiya ayaa meel xun maraysa waxaana Addis Ababa laga dareemayaa kalacarar iyo cabsi xoog leh.  Dadka intiisa badana waxay ku hadaaqayaan away Abiye Ahmed waxaana lasheegayaa in dhaawac badan kadhashay qarixii saaka dhacay.

Lama oga cida sida dhabta ah uga danbaysa lakin waxaa durba farta lagu godayaa maafiyada tirada yar ee Tigreega wixii war ah ee kasoo cusboonaada dib ayaan idin kala socod siin haynaa Inshaa Allah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay