Sida aan warar kaanagii hore idiin ku sheegnay ba Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Ahmed ayaa ka bad baaday qarax lala beegsaday kumaanaan taageerayaashiisa ah oo mudaaharaad lagu taageerayay maanta ku qabanayay magaalada Addiss Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya.

Sida wararka soo baxaya ay hada sheegayaan qaraxa ayaa dhacay xili uuna gaadhin goobtii loogu talo galy oo ahayd meesha uu ku sugan yahay raysal wasaaraha Itoobiya.

Kooxda TPLF  ee dalka xooga ku haysatay 27 sano ee ugu danbaysay ayaa waxay aad uga soo horjeeday qorshaha Raysal wasaaraha Itoobiya ku doonayay inuu ku xaliyo dhibaatooyinkii kala duwanaa ee kooxda ku haysay shucuubta ku hoos nool xukunkooda.

Arintan ugu wayn ayaa waxay ahayd hir galinta heshiiskii Aljaries ee lagu wareejinayay Badme oo ah ku ay Eritrea leedahay isla markaana ay xoog ku haysato Itoobiya. Raysal wasaaraha Itoobiya oo telefishinka Itoobiya ka soo muuqday asagoo bad qaba ayaa tacsi u diray dhamaan ba eheladii ay dadkaga dhinteen qaraxa.

Waxaana sida la xaqiijiyay ku dhintay meesha 4 qof oo shacab ah, laamaha amaanka ee Gumaysiga Itoobiya ayaan ilaa hada usoo qaban wax dad ah qaraxaasi. Hoos ka daawo sawirada.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay