Sida ay baahisay haayada laan qayrta cas ee Itoobiya qaraxii la la beeg saday raysal wasaaraha Itoobiya dadkii dhaawacu uu kusoo gaadhay ayaa waxay gaadheen sida la sheegay 100 qof halka tiro kale oo shacab ah na ay dhaawac meen.

Safaarada Maraykanka ku lee yahay Wadanka Itoobiya ayaa ka hadashay qaraxii ka dhacay magaalada Adiss ababa gaar ahaana Masqal Squer ayagoo u tacsiyaysay dadkii ku dhintay qaraxa, waxaa kale ka hadlay midawga Yurub ayagoo ku tilmaamay inuu ahaa qarax argagixiso.

Dhanka kale sida warar hada soo baxaya sheegayaan gaadhiga qaraxa lagu waday ayaa wuxuu ahaa gaadhi booliis taasoo shaki badan abuurtay.

Wali ma cada cida dhabta ah ee ka danbaysay qaraxa mana jiraan dad rasmi ah loosoo qabtay qaraxan waxaase farta lagu fiiqayaa kooxda TPLF oo horay usoo maamulaysay dalka ayadoo xoog iyo maquunin ku haysatay shucuubahii kala duwanaa ee xukunkooda ku hoos noolaa.

Warakan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay