Sida ay kusoo waramayaan warar kala duwan oo ay heshay ONA ayaa sheegaya in Gumaysiga Itoobiya uu xidhxidhay ilaa iyo 12 qof oo 9 kamid ah ay yihiin saraakiil boolis iyo saddex qof oo Shacab ah. Saraakiisha booliiska ah ee la xidhxidhay ayaa loo haystaa inay ka hortagi waayeen weerarkan qarax ka hor intuusan dhicin.

Saddexda qof ee shacabka ah ayaa 2 ka mid ah ay yihin haween iyo nin, la sheegay in laga qabtey goobtii qaraxu uu ka dhacay oo lagu tuhunsan yahay inuu kamid yahay  sirdoonka Tigrey. Guud ahaan Gumaysiga Itoobiya ayaa galey marxalad jahawareer kadib markii qaraxa shaley lala beegsadey isu soo bax uu ka hadlay Abiy Ahmed.

Waxaa hawada laga saarey dhowr TV oo gudaha Itoobiya ka hawlgala waxaana dhacay howlgalo sugid amni ah oo aad u balaadhan. Dhinaca kale Abiy Ahmed ayaa booqdey Isbitaalada la geeyey tobonaan dad ah oo dhaawacyo kala duwan qabo oo 15 ka mid ah ay aad u liitaan.

Ma aha wax ku cusub taliska Gumaysiga in falal noocan oo kale ah ay isu maleegaan. Waa dhaqan soo jireen ah oo Gumaysiga Itoobiya looga bartay in ay sameeyaan fal kasta oo ay ku xalaalaysan karaan xuquuqda shacabka dulman ee ku hoos jira taliska Gumaysiga Itoobiya.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay