Waxaa xabsiga la dhigay Kuxigeenkii Komumishineerkii Booliiska magaalada Addiss Ababa Girma Kassa kadib qaraxii ka dhacay magaalada Adiss ababa ee la la beegsaday raysal wasaaraha Itoobiya.

Waxaa kale oo ayagana sida la sheegay xabsiga loo taxaabay 9 sarkaal oo kamida ah ciidamada loo yaqaano Federal Police ee magaalada Addiss Ababa. Xaalada Magaalada Adiss Ababa ayaa aad u kacsan waxaana jira jahwareer siyaasadeed oo aad u kacsan kadib qaraxii shalay ka dhacay magaalada Adiss ababa.

Dad badan ayaa loo qab qabtay kuwaasi oo isugu jira rag iyo haween sida la sheegay u kala dhashay qoomiyadaha Amhaara Oromo iyo Tigray. Wali waxaa socda baadhitaano badan oo ku aadan qaraxa raysal wasaaraha Itoobiya lala beegsanayay ee ka dhacay magaalada Adiss Ababa.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay