Haweenka Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii ka gudbay xayiraad mudo dheerba saarneyd, iyaga oo wixii hadda ka danbeeya awooda in ay gadiidka kaxeysan karaan kaddib go’aankii ay gaadhay bishii September ee sanadkii hore Boqortooyada Saacudiga.

Kadib olole arintan looga soo horjeedo oo soo socday ku dhawaad 30 sano ayeey ugu danbeyntii haweenka Sacuudigu ku guulaysteen in ay si iskood ah gadiidka u kaxeysan karaan, taasoo markii hore dalkaa ka aheyd arin mamnuuc ah.

Loujain al-Hathloul oo si weyn looga yaqaanno dalka Sacuudiga ayaa ka mid aheyd sideed Haween ah oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen dhaqdhaqaaq u gaar ah haweenka doonaya in loo madax baneeyo wadidda Gawaadhida.

Sidoo kale Boqortooyada ayaa u ogolaatay haweenka in ay tagi karaan garoomada Kubadda lagu ciyaaro si ay u daawadaan ciyaaraha gudaha dalka Sacuudiga.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay