Talibanka Pakistan ayaa ku dhawaaqay hogaamiye cusub kadib markii la xaqiiiyay in taliyahoodii hore Mullah Fazlullah lagu dilay duqayn cirka ah oo loo adeegsaday diyaarad nooca Dronska loo yaqaan ee Maraykanku leeyhaay todobaadkii lasoo dhaafay. Waxa ay magacaabeen Mufti Nuur Wali Mehsud in uu noqdo Hogaamiyaha cusub.

Waa markii ugu horeeysay oo Talibanka Pakistan ay qirtaan in hogaamiyahoodii hore, Mullah Fazlullah, lagu diley weerar gantaal oo ka dhacay gobolka Kunar ee dalka Afqaanistaan.

Hogaamiyahani ayaa waxa lala dilay afar abaanduule oo kale ka dib markii ay mareykanku bar tilmaameedsadeen weerar dhanka cirka ah.

Tira ka kamid ah hogaamiyayaasha Pakistan ayaa afar sano ka hor u cararay dhanka xuduuda Afqaanistaan kaddib markii militariga Pakistaan ay fuliyeen howlgalo ka dhan ah Talibanta Pakistan.

Hogaamiyaha cusub ee Taliban Mufti Noor Wali Mehsud ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka ku yaalla Koonfurta Pakistaan ee Waziristan, waxaana jira warar sheegaya in hogaankiisa uu mideyn karo dhinacyada khilaafka uu ka dhaxeeyo ee Taliban.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay