Saaraakiisha booliiska gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay dadka looga shakiyay inay ku lug lee yihiin qaraxii sabtida lala beegsaday raysal wasaaraha Itoobiya inay tiradoodu tahay 30 oo uu baadhitaan ku socdo, qaraxan ayaa ka dhacay fagaare ay isugu soo baxeen kumanaan kamida taageerayaasha  raysal wasaaraha gumaysiga Itoobiya ayagoo taageersanaa qorshihiisa siyaasadeed iyo is badalada uu dhawaan sameeyay.

Taliyaha guud ee Booliis faderalka gumaysiga Itoobiya General Zeynu Jamaal oo shir jaraa’id oo arimahan ku saabsan qabtay ayaa wuxuu sheegay inuu booliisku wali ku raad jooga dad kale oo looga shaki qabo inay lug ku lee yihiin qaraxii sabtidii ka dhacay magaalada Adiss Ababa.

Dadkan la xidh xidhay waxaa kamid ahaa 9 sargaal oo kamida ahaa booliis faderalka gumaysiga Itoobiya iyo maamulka magaalada Adiss Ababa oo kamid yahay taliyahi Booliska magaalada Addis Ababa Girma Kassa.

Qaraxan ayaa wuxuu jah wareer siyaasadeed ku riday hogaanka cusub ee gumaysiga Itoobiya waxaana inta badan dadka shacabka ah ay aad farta ugu fiiqayaan kooxda TPLF oo xukunka dalka laga faro maroojiyay gacantana ku haysay 27 kii aano ee lasoo dhaafay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay