Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sheegayaan in wafti ka socda wadanka Eritrea soo gaadhayo magaalada Adiss Ababa todobaadkan gudihiisa.

Wasaarada arimaha dibada gumaysiga ayaa sheegay in waftiga ka socda wadanka Eritrea uu wada hadal u imaan doono magaalada Adis Ababa raysal wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay ayaa wuxuu 5 bisha june ku dhawaaqay inuu soo afjarayo colaadii kala dhaxaysay wadanka Eritrea kadib markii uu sheegay inuu raacayo heshiis Aljaris ee 2000 dii kun.

Heshiis kaas oo dhigaayay in dhulka lagu muran san yahay ee lagu dagaalamay oo ay ka mid tahay magaalada Badhame ay lee dahay wadanka Eritrea isla markaana ay Itoobiya xoog ku haysato go’aan kaas oo gumaysiga Itoobiya xiligaas ka hor yimid ayuu raysal wasaaraha cusub sheegay inuu hir galin doono.

Madaxwaynaha Eritrea Asiyas Afworki oo ka jawaahay 20 June ayaa sheegay inuu wafti u diraayo gumaysiga Itoobiya kaasoo kala xaajooda arimahan hada taagan iyo so afjarida cooladii kala dhaxaysay gumaysiga Itoobiya.

Waxaad moodaa sida ay u muuqato siyaasadii geeska afrika waxaa ku imaanaya is badal balaadhan kaasoo laga yaabo inuu saamayn ku yeesho dhulka Ogaadeniya ee gumaysigu xooga ku haysto.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay