Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ku qabsoomay xafiiska jaaliyada Ogaadeniya wadanka Canada faraca Edmonton kaas oo ahaa mid ay bil walba hal mar isugu yimaadaan xubnaha Jaaliyada.

Waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada Ogaadeniya  Mudane Cabdi Cali wuxuuna halkaa ka soo jeediyey warbixin dheer oo ka hadlaysay wax qabadkii jaaliyada mudadii u dhaxaysay labada shir runtiina wuxuu amaan u soo jeediyey xubnihii sida fiican ugu hawl galay hawlihii loo xilsaaray.

Waxaa shirka ka soo qayb galag Dr Mohamud Ugaas oo lagu soo dhaweeyey madashii shirka wuxuuna halkaa ka soo jeediyey khudbad aad u qiimo badnayd oo ka hadlaysay isbedelada siyaasadeed ee xawliga ku socda ee gumaystaha Itoobiya wuxuuna sheegay inay shacabka Ogaadeniya gudo galaan sidii ay si taxadar leh uga faa’iidaysan lahaayeen is badalada gumaysiga Itoobiya inaga oo shacabkeena abaabulayna una soo bandhigayna wax qabad dhab ah.

Runtii shirkani wuxuu ahaa mid muhiim u ahaa xubnihii halkaa isugu yimid waxaa la is weydiiyey su’aalo aad u badan oo wax tar ulahaa halganka hubaysan ee JWXO hormuudka u tahay waxaana looga jawaabay su’aalihii sidii ugu macquulsanayd waana lagu qancay.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guul ah waxaana halkaa lagu qaybsaday wixii hawl ahaa ee u yaalay jaaliyada ayagoo lagu balamay in lasii laban laabo kaalinta halganka Ogaadeniya ay ku lee dahay jaaliyada Ogaadeniya ee Edmonton.

ONA/Edmonton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay