Xarunta dhexe ee JWXO warbixintii ugu dambaysay ee wakaaladda ONA ay soo gaadhsiiyaan ayay ku sheegeen in weeraro uu Ciidanka Waddaniga Xorayntta  Ogaadeenya ku qaaday  fadhiisimo kala duwan oo uu cadawgu ku leeyahaya dalka Ogaadeenya  ayaa waxa uu ku gaadhsiiyay khasaare kala duwan oo isgu jira naf iyo hanti.

Weeraradan oo intooda badan ahaa kuwo loo qorsheeyay inay u fulaan si kooban  islamrkaana loogu talagalay in cadawga waxyeelo iyo cabsi galinba loogu gaysto ayaa u dhacay habkii loo qorsheeyay. Dagaaladaas oy ciidanka jabhadu ku hanteen guulo ayaa waxay u kala dhaceen sidan;

 – 5/3/12  Dagaal ka dhacay Hora-qaliifo oo ka tirsan deegaanka  Qabri –bayax  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacy,isla galinkii dabe  ee maalintaa ayaa dib loogu qaaday weerar ciidamada  cadawga lamana oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay

– 9/3/12 Dagaal ka dhacay  Qorra  oo ka tirsan  degmada Dhanaan waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kale

– 12/3/12 Dagaal ka dhacay Booraanka  oo ka tirsan degmada Iimayda-bari  waxaa ciidanka cadawga lagaga  6 askari waxaana lagaga dhaawacay 5 kale 

– 13/3/12 Dagaal ka dhacay  Wayla-laguxidh waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 2 askari waxaana lagaga dhaawacay 3 kale, isla taariikhdaa dagaal ka dhacay Mataanalay oo ka tirsan  degmada Qabri bayax waxaa ciidanka cadaewga lagaga dilay 1,askari 2 kala waa lagaga dhaawacay.

– 14/3/12 Dagaal ka dhacay Gooray oo ka tirsan Qabri-bayax  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  9 askari waxaana lagaga dhaawacay tiro kale,  isla taariikhdaa waxaa dagaal habeenimo lagu qaaday tuulada dalaad oo ka tirsan degmada qabri dahar lamina xaqiijin  khasaaraha rasmiga ah ee soo gaadhay cadawga .

– 15/3/12 Dagaal ka dhacay B idhiiqa  oo ka tirsan Baabili  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  2 askari waxaana lagaga dhaawaca 1 kale .

– 16/3/12 Dagaal ka dhacay  Dusmo  oo ka tirsan degmada aware waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  2 askari 3 kalena waa lagaga dhawaacay

– 17/3/12  Dagaal ka dhacay Sanka-dhane  oo ahaa dhabagal  waxaa ciidanka cadawga  lagaga dilay 6 askari 7 waxaana lagaga dhaawacay. Isla taariikhdaa waxaa dagaal ka dhacay Xaaxi oo ka tirsan  Aware waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  2 askari  waxaana lagaga dhawacay 3 askari, waxaana mir loo gaystay ceel xaar  degmada Baabili,lamana oga khasaaraha ka dhashay mirtaas.

– 18/3/12 Dagaal ka dhacay  Ceel-madigaan oo ka tirsan   Baabili  waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 3 askari 5 kalena waa looga dhaawacay, isla taariikhda meesha loo yaqaan Horate  oo isla Baabili ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  2 askari ,tiro kalena waa lagaga dhaawacay                

– 20/2/12 Dagaal ka dhacay  Hog-dugaag oo ka tirsan wardheer waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  1 askari waxaana lagaga dhaawacay  2 kale

– 25/2/12  Kamiin loo galay kolanyo gaadiid oo maraysay duleedka magaalada wardheer waxaa ciidanka cadawga lagaga gubay  hal baabuur iyo dhamaan ciidankii saraa

Dhinaca kale waxaa jira dhibaatooyin ay sidii dhaqanka u ahaa cadawga marka lagaga taagroonaado goobta dagaalka uu dadka shacabka ah kaga aargoosto. Dhibaatooyin oo isugu jira xadhig, jidhdil, kufsi iwm ayaa meela kala duwan ay Ciidamada cadawgu ay dad shacab ah ugu gaysteen kuwaasoo aan warbixnada dambe ku soo qaadan doono.

 

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay